U bood dhigaalka

Garoowe: Ciidamada Puntland Oo Qabtay Raashin Dhacay

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay ku qabteen gaari la sheegay in lagu soo dhex qariyey 50 kartoon oo Timir dhacday ah.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka magaalada Boosaaso, waxaana lagu waday dhanka magaalada B/weyne, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa gacanta kusoo dhigay.

Fagaare ku yaalla duleedka magaalada Garoowe ayaa lagu gubay timirtan dhacday.

Faarax Galangoolle, taliyaha qeybta Booliiska  gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigan ay dabogal dheeraad ah ku hayeen.

“Dedaal badan ayaa la bixiyey, waxaan soo qabannay gaarigan oo si qarsoodi ah loogu soo qariyey Timir dhacday, waa la daba joogay gaarigii soo qaaday, dekadda ayaa lagu qabtay, meel baa la dhigay, qolaa fududeysay oo soo gudbisay, ganacsato iyo dad dekadda ka shaqeeya ah, iyagana gacanta ayaa lagu dhigay” ayuu yiri Taliyaha.

Maamulka Puntland ayaa wada dedaallo lagu koontaroollayo tayada badeecooyinka kasoo dega dekadda Boosaaso.

Goobjoog News