U bood dhigaalka

Garoowe: Ciidamadii Madaxtooyada Oo Gadooday

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in gadood ay sameeyeen ciidamada Ilaalada madaxtooyada magaaladaasi, iyaga oo xiray waddooyin muhiim ah.

Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar aanay qaadan 7-dii bil ee lasoo dhaafay, waxaana ay sheegeen in aanay shaqo jiri doonin, inta ay ka helayaan lacagahooda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay xireen wadadii aadeysay dhanka madaxtooytada iyo sidoo kale dhanka xarumaha dowladda (wasaaradaha), waxaana loo diidey cid walbo oo shacab ama mas’uul ah iney aaddo.

Waxaa socda dedaal ballaaran oo ay wadaan waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada Puntland oo ay ku doonayaan iney ku qanciyaan askartan gadoodsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News