U bood dhigaalka

Garoowe: Dowladda Hoose Oo Bilowday Tirokoobka Guryaha

Sheeko:Dalka

Dowladda Hoose ee magaalada Garoowe ayaa xaafadaha magaaladaasi ka bilowday Tirokoobka guryaha, iyadoo dhammaan gurayaha la Lambareyn doono.

Muhiimadda arrintani ayaa lagu sheegay iney tahay sidii uu uga qeybqaadan lahaa Nabadgalyada iyo Canshuuraha.

Munaasabad lagu furayey Barnaamijkan oo ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta magaaladaasi, xoghayaha degmada Hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta xaafadaha magaalada Garoowe ayaa sheegay in Lambareynta guryaha in faa’ido badan ay leedahay, islamarkaana ay kaalin ka qaadan doonto in la ogaado guri walbo cidda ku sugan.

Xaliimo C/qaadir Barre, agaasimaha xaafadaha ee dowladda Hoose ayaa ka codsatey maamulka xaafadaha Garoowe iyo shacabka magaaladaasi iney la shaqeeyaan dhallinyarada ku howlan dhejinta Lambarada.

Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa sheegtay in wejiga Koowaad ee qorshaha Lambareynta ay ku dhejin doonaan 3,500 oo guri.

Goobjoog News