U bood dhigaalka

Garoowe: Dowladda hoose Oo Soo Qabatay Cabitaanno Dhacay

Sheeko:Dalka

Waaxda Fayadhowrka  dowladda hoose degmada Garoowe ayaa soo bandhigtay 20 Kartoon oo ay ku jiraan cabitaanno dhacay kuwaas oo laga soo qabtay bakhaarada ganacsiga ee magaalada Garoowe.

Cabdicasiis Maxamed Cali agaasimaha waaxda Fayodhowrka  ee dowladda hoose ayaa ka warbixiyey cabitaannadan dhacay oo ay soo qabteen waxaa uuna yiri “Waxaan soo qabannay agabyo kala duwan oo ay ku jiraan cabitaanno dhacay, kuwaasi oo ku jiray baqaarada magaalada Garoowe, dad aan siinay wacyi-gelin ayaa nagu soo wargeliyey in alaabtaan dhacday taallo, annagana waa aan ka soo qaadnay “.

Duqa Garoowe Xasan Maxamed Ciise oo goobta lagu soo bandhigay alaabtaan dhacday ka hadlay ayaa sheegay in cabitaannadaan dhacay ay Qatar ku ahaayeen caafimaadka dadka waxaa uuna yiri “Alaabtaan waa ay dhacday dadweynahana dhowr jeer ayaan ka wacyi gelinay in wax caafimaadka dadka  Qatar ku ah aysan cidna lacag ka doonin, qofkii alaab dhacday bulshada ka iibiya waxaa uu la mid yahay qof dilay bulshada waana dambiile, waxaan leenahay ganacsatada ku sugan Garoowe iyo deegaannada kale waxa aad iibineyso ilaahey uga baq”.

Maahan markii ugu horreysay oo badeecooyin dhacay laga soo qabtay bakhaarada  ganacsiga ee Garoowe.

Goobjoog News