U bood dhigaalka

Garoowe: Gaadiidley Cabasho Ka Ah Canshuur Lagu Kordhiyay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa cabasho waxa ay ka yihiin lacag canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Waxay sheegeen in dowladda hoose ee Garoowe kusoo rogtay gaadiidka iska-rogaha ah lacag dhan $2 maalintii, taasi oo ay sheegeen in culeys weyn ay ku tahay.

Qaarkood darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan shaqeyn doonin inta wax laga bedalayo go’aankaasi.

“Annaga culeys ayeey nagu tahay, mana shaqeyn doonno inta wax laga bedalayo, $2 ma bixin karno, waayo waxaa ka badan lacagaha kale ee ay dowladda naga qaaddo”

Dowladda hoose ee Garoowe weli wax jawaab ah kama aanay bixin cabashadan kasoo yeereysa gaadiidleydan.

Gooboog News