U bood dhigaalka

Garoowe: Golaha Wasiirada Cusub Oo La Taageeray

Sheeko:Dalka

Kulan ballaaran oo lagu taageerayey golaha wasiirada cusub ee 21-kii bishan uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana kulankaasi ka qeygalay waxgarad, siyaasiyiin iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waxgaradkii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Kheyre, waxayna sheegeen iney la shaqeyn doonaan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, oo kamid ah waxgaradkii haklaasi hadalka ka jeediyey ayaa ku baaqay in carqaladda laga daayo xukuumadda cusub, islamarkaana mar walbo la ilaaliyo wax walbo oo shacabka Soomaaliyeed kala geynaya, dalkana dib u dhigaya.

“Wixii Soomaaliya ragaadinaya ama dib u dhac ku keenaya hanalaga daayo, Soomaaliya waxa ay soo martay weynu ognahay, waxaana dooneynaa inaan hadda taageerno xukuumaddan si ay dalka iyo dadka wax ugu qabato”

Xildhibaan Cabdi Samatar oo isna kamid ah baarlamaanka Puntland oo halkaasi hadal ka jeediyey wuxuu sheegay in markii horeba ay taageereen madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, sidaasi darteedna ay taageerayaan xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News