U bood dhigaalka

Garoowe Oo Beenisay Inay Waanwaan Kula Jiraan Hargeysa

Sheeko:Amniga

Guddiga difaaca dowladda goboleedka Puntland ayaa maanta kaga dhowaaqay Magaalada Garoowe dagaal ka dhan ah Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland amray in dagaal lagu qado Somaliland.

Sidoo kale, guddiga ayaa beeniyey wararka sheegayey in wadahadal u socdo Puntland iyo Somaliland kuna aadanaa dagaalka ka socda deegaanka Turka raq.

Mar uu ka hadlayay arrintaasi waxaa uu yiri “Waxaan rabaa in aan caddeeyo warar been abuur ah oo baryahaan socday kuna saabsan dagaalka Tuka-raq Majiraan wax socdo oo heshiisyo ah ninna heshiis kuma galo gurigiisa guriga Albaabka ayaa laga soo galaa qof gurigaaga xoog ku soo galay kaalay ila heshii waad garan kartaa in ay tahay cid waalan, waxaan u sheegeynaa shacabka in aysan jirin wax waan waan ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland”.

Dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa salka ku haya deegaanka Tuka-raq oo labada Maamulka ay isku hayaan cidda Maamuleysa.

Goobjoog News