U bood dhigaalka

Garoowe Oo Lagu Doortay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka magaalada Garoowe ayaa maanta doortay guddoomiyaha cusub ee magaaladaasi iyo ku xigeenkiisa.

Doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ayaa Axmed Barre Saciid waxaa loogu doortay guddoomiyaha magaalada Garoowe.

Xilkan ayaa waxaa ku tartamayay labo Musharrax oo kala ah Maxamed Abshir Kuuke iyo Axmed Barre Saciid, halka ku xigeenka duqana ay ku tartamayeen Maxamed Cali Maxamed iyo Cismaan Maxamuud Saciid.

Doorashadaan ayaa waxaa ay u dhacday habka qarsoodiga codbixinta waxaana codeeyay 27 xildhibaan ee uu ka koobanyahay golaha deegaanka .

Doorashada kadib guddoomiyaha cusub ee la doortay waxaa uu ka madceliyay xilka loo doortay waxaa uuna sidoo kale bogaadiyay musharrxii la tartamayay.

Duqa cusub ee garoowe Axmed Barre saciid waxaa uu ahaa ganacsade isaga oo markii dambe noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntalad

Goobjoog News