U bood dhigaalka

Garoowe: Qarax Lala Eegtay Mas’uuliyiin

Sheeko:Amniga

Wararka caawa naga soo gaarayo magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland  ayaa sheegayo in goordhow uu ka dhacay qarax ismiidaamin kaas oo lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal.

Qaraxa oo ahaa qof walxa qaraxa isku soo xiray ayaa lala beegsaday  gaari uu la socday guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee Booliska gobolka gobolka, Faarax Galangooli. xili ay marayeen afaafka saldhiga magaalada.

Wararka dheeraadka ee qaraxa laga helayo ayaa ku waramayo in qaraxa uu ka dhashay khasaare soo gaaray mas’uuliyiintii lala beegsaday waxaana la soo warinayaa in  dhaawac uu soo gaaray guddoomihii gobolka Nugaala Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee Booliska gobolka gobolka Faarax Galangooli.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa xiray wadooyinka soo gala saldhigga iyaga oo bilaabay in ay ridaan rasaas taas oo ay ku kala eryayaan dadka waxaana wali si dhab ah loo ogeyn khasaaraha soo garay dadka shacabka ah ee ka agdhowaa goobtii ay wax ka dhaceen.

La soco wixii soo kordho

Goobjoog News