U bood dhigaalka

Garoowe: Shir Maanta u Furmaya Goleyaasha Sharci Dejinta Ee DFS Iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu ka furmo shirka Shanaad ee goleyaasha sharci dejinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa magaalada Garoowe ku sugan guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada dowlad goboleedyada Jubbaland, K/galbeed, Hirshabelle iyo kan Puntland oo marti loo yahay.

Shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid tahay sidii ay wadashaqeyn buuxda u dhexmari lahayd baarlamaannada DFS iyo kuwa maamul goboleedyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News