U bood dhigaalka

Garoowe: Suuyqadii Lagu Iibinayey Hilibka Ariga Oo Xiran

Sheeko:Dalka

Shalay iyo maanta waxaa xiran dhammaan suuqyadii lagu iibinayey Hilibka Ariga, kadib cabasho ay muujiyeen dadkii ka ganacsanayey hilibkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatadan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sababta aanay Ari u qalin tahay canshuurta oo lagu kordhiyey.

Waxa ay tilmaameen in markii hore laga qaadi jirey neefkii ariga lacag dhan 20-kun oo shilin Soomaali ah, balse hadda lagu soo rogay lacag dhan 30 kun oo shilin Soomaali ah.

Dhammaantood waxa ay sheegeen in inta wax laga bedalayo lacagtan dheeraadka ah aanay Hilib Ari keeni doonin.

Goobjoog News