U bood dhigaalka

Garoowe: Taliyaha Nugaal Oo Faafaahin Ka Bixiyey Xaaladda Amni

Sheeko:Dalka

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyey amniga magaalada Garoowe, xilli maalmihii la soo dhaafay ay shacabka ka cabanayeen dhac loo geysanayey.

Faarax Warsame Dahab taliyaha booliska Nugaal oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgallada ay ku soo qabteen dhallinyaro dhac u geysanayey dadweynaha, islamarkaana ay gacanta sidoo kale ay ku soo dhigeen dhallinyaro kufsi ku kacay.

“Labo arrimood ayaa hadda ugu weyn falalka keenay amni darrada, waxaa ayna yihiin dhallinyaro ku hubeysan tooreeyo iyo dhagax,  kuwaas oo sameeya falal ka horimaanaya amniga, waxaa ay sameeyaan moobaylada ayey dadka ka dhacaan qofkana uma turaan oo tooreyda waa ay galiyaan, dhallinyaradaas in badan oo ka mida waa naqaanaa haddana waxaan ku guda jirnaa in aan gacanta ku soo dhigno kuwo kale”.

Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgallada ay ciidamadu sameeyeen ay ku soo qabteen tiro dhallinyaro ah kuwaas oo ku guda jiray dhacidda Moobaylada balse waxaa uu xusay in qaar ka mid ah ay baxsadeen.

“dhallinyarada qeyb ayaa heynaa  qeyb ayaa carartay waxaana soo xiray waaliddiintood dhallinyarada qaar waxaan ku sii deynay damiin”.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay cabasho weyn ay ka imaaneysay shacabka degan xaafadaha Garoowe iyaga oo sheegay in dhac joogta ah loo geysto.

Goobjoog News