U bood dhigaalka

Garoowe: Wadada Isku Xirta Wasaaradaha Iyo Magaalada Oo La Dhagax-dhigay

Sheeko:Dalka

Waxaa la dhagax dhigay waddo cusub oo isku xiri-doonto wasaaradaha iyo magaalada Garoowe, waxaa ayna aheyd mid ay dhib ku qabeen dadka iyo gaadiidka isticmaala intaba.

Wadadaan ayaa waxaa ay dhex martaa meelo qar iyo buuro ah waxaana dhib ku qabay isticmaalkeeda dadka ku nool magaalada Garoowe, dhismaha wadadaan ayaa waxaa la heegay in ay ku bixi doonto lacag dhan labo boqol kun oo doolar sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullahi Saciid waxaa uuna sheegay in qarashka dhismaha wadadaan ku baxayo ay bixineyso dowladda waxaa uuna yiri.

“Dhismaha wadada loo yaqaanno wasaaradaha oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalo madaxda Garoowe, waxaa guul ah in wadadaan ay dhisayaan dowladda Puntland iyo shacabkeeda”.

Marka la dhameeyo dhismaha wadadaan laamiga laga dhigayo waxaa uu noqon doonaa mid si fudud ay u mari doonaan gaadiidka.

Goobjoog News