U bood dhigaalka

Garoowe: Wax Walbo Oo Ku Saabsan Shirka Wadatashiga, Yaa Joogo, Yaase Maqan?!

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee caasimadda u ah dowlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in uu ka biowdo shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah.

Shirkan uu todobaadkii hore ku baaqey madaxweynaha Puntland Saciid waxaa ajiibey dhammaan qeybaha ay khuseyso.

Waxaana Garoowe horay u gaarey ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah Xasan Cali Kheyre, madaxda maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

Waxaa la filayaa iney maanta gaaraan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Ajendaha shirka waxaa ka mid ah in la dejiyo Roadmap la xiriira 2020 sida: Arrimaha dastuurka, Axsaabta, doorashooyinka dhacaya qaabta , goorta iyo goobta, waxaa kale oo ku jira in laga heshiiyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo qeybsiga kheyraadka.

Ilo shirka ku sugan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in su’aalo badan la iska weydiin-doono sida loo helayo hab loo dhan yahay, oo dalka lagu hoggaamiyo sanadka iyo barka ka haray waqtiga hey’adaha federaalka ah.

Arrimaha Shirka….B-Y, Kala soco halkan

Goobjoog News