U bood dhigaalka

Garowe: Deni iyo Swan Oo Ka Wada Hadlay Xal U Helidda Dooorashooyinka

Sheeko:Dalka

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray wafdi u ogaaminayo wakiilka gaarka ah ee ergayga Qaramada Midoobay u qaabiilsan arimaha Soomaaliya James Swan .

Wakiilka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni , iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland .

Madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa soo dhaweeynta kadib qasriga madaxtooyada Puntland kulan kula qaatay Wakiilka iyo Wafdigiisa .

Kulanka oo inta badan diiradda lagu saarayay , xaaladda dalka gaar ahaa Ismari waaga ka taagan arimaha doorashooyinka , iyo sidii dib loogu furi lahaa wada hadalo xal u helid ah oo ay isaga hor imaadan maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo Madaxweeyne Farmaajo .

James Swan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkii u danbeyay waxa uu waday wada hadalo lagu dhex dhexaadinayo siyaasiyiinta Soomaalida ah ee Isku fahmi la’xal u helidda doorashooyinka , iyadoo shalay Swan Magaalada Dhuusa-mareeb uu kulan Arimaha doorashooyinka looga hadlayo uu la qaatay madaxweeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor .