U bood dhigaalka

Garsoorayaasha Ka Howlgala Gobolka Banaadir oo La Kulmay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta la shiray Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada-hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan kiisaska horyaala Maxkamadaha si loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad aan daahis lahayn.
Shirkan oo ah mid joogto ah, ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira iyo weli ba sidoo kale siddii loo fududeyn lahaa helitaanka adeega caddaaladeed ee dalka.
Guddoomiyaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Garsooreyaasha iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobalka ku boggaadiyey sida hufan ee ay mar walba ugu adeegaan cid kasta oo caddaalad u soo doonata Maxkamadaha, waxaana uu kula dar-darmaamay in la sii hagaajiyo dedaalka iyo adeegidda bulshada.
Goobjoog News