U bood dhigaalka

Garsoorka Kubadda cagta Soomaaliya Oo Bilaabay Isticmaalka Aalada GPS

Sheeko:Cayaaraha

Waxaada garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta oo da’daalo ku bixinaya horomarinta aqoonta xirfadlayaasha garsoorka ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay qalab casri ah kaas oo lagu ogaanayo fay-qabka iyo heerka tababarka waxaana qalabka loo yaqanaa (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS).

Aaladan oo sanadkan laga dhaqan geliyay wadamada qaaradda Afrika ayaa loogu talo galay cayaartoyda iyo garsooryaasha si loo agaado qaybaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan mudada tababarka uu socdo, waxaana markii ugu horeesay caasimada ku isticmaalay garsoorayaasha heerarka kale duwan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Garsoorayaasha heerka kala duwan ee Xiriirka Kubbadda cagta ayaa iyaga qudhooda soo dhaweeyay horomarka iyo garab istaagida waxaad garsoorka,iyagoo sheegay in ay da’daal badan bixinayaan si ay guulo waaweyn ay ugu soo hooyeen tartamada iyo gudaha iyo Qaarada Afrika kolke ay dhex dhexaadinayaan.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Xasan Aadan Xaaji Yabaraow (Wiish) oo isaga xilkan loo magacaabay 08-02-2019 ayaa da’daalo badan ku bixinaya kor u qaadida aqoonta iyo horomarinta garsooorayaasha dalka si ay ula jaanqaadaan dhiggooda qaaradda Afrika iyo Yurub.

Macallin Maxamed Cabdulle Fare yare oo ah haysta darajada heerka koowaad ee macallinimada xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee (CAF) iyo madaxda tababarka X.K.Cagta Cabdi Cabdulle Baasaale oo casharo la xiriira isticmaalka aaladan kusoo qaatay dalka Koonfur Afrika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay si wanaagsan ula qabsadeen Garsoorayaasha dalka fahanka iyo isticmaalada qalabkan cusub ee GPS.

Si kastaba Soomaaliya ayaa noqotay wadankee sideedaad ee dhaqan galiya istcimaalka aaladan waxayna tani muujinaysa sida uu garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya dhanka kasta uga dadaalayo horomarka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Adeegsiga Aalada Garsoorayaasha Ee GPS

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2595272687210633/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle