U bood dhigaalka

Gawaari Sidday Sanaadiiqda Kaararka Codbixiyeyaasha ee Diiwaangelinta Gobolka Sool oo La Afduubtay

Sheeko:Dalka

Labo baabuur  oo sanaaadiiqda diiwaangelinta cod bixiyeyaasha u siday  deegaanka Hol-hol ee dhanka waqooyin kaga toosan  magaalada Laascaanood ayaa xalay waxa deegaankaasi ku afduubtay rag hubaysan oo sida la sheeegay diiddan in diiwaangelintu ka dhacdo deegaankaasi .

Labadan gaari oo noocoodu ahaa Laankuruusar ayaa siday sheegayaan warbaahinta deegaankaasi, ayaa gawaadhidii iyo shaqaalihii la socday oo illaa Sideed qof lagu qiyaasay, laga leexsaday wadadii ay ku socdeen,  iyagoo ku jiheysnaa dhanka bari ee magaalada  Hol-hol, illaa iyo hadana lama oga meel ay ku sugan yihiin oo ay la tageen gawaaridii iyo sanaadiiqdii intaba.

Dadka deegaanka Hol-hol ayaa iyaguna si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan diiwaangelin  oo uu ka taliyo maamulka Khaatumo. Iyadoo dadkani ay sheegeen inay samayn doonaan kacdoon ka dhan ah shaqada diiwaangelinta ee  Somaliland ka waddo deegaanada gobolka Sool.

Wasiir ku xigeenka amniga ee maamulka Khaatumo Abshir  Cabdicasiis  ayaa todobaadkan dhexdiisa  mar uu meel fagaare ah kala hadlaayey dadweyne taageersan Khaatumo u sheegay  inay ka hortagi doonaan  diiwaangelin laga qabto dhulka Khaatumo maamusho isaga oo ku sababeeyey inaanay jirin wax heshiis rasmi ah oo ay kala sexeexdeen maamulada Khaatumo iyo Somaliland.

Warar hoose ayaa sheegaya iyaguna in guddiga doorashooyinka Somaliland qaybta Laascaanood ay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku wargeliyeen  labadaas baabuur ee la af duubay.

Goobjoog News