U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari oo ka jawaabay hadallo warbaahinta ay ka faafiyeen

Sheeko:Dalka
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa jawaab ka bixiyey hadal been abuur ah oo si qaldan loo kala jaray kaasi oo xalay lagu baahiyey shabakadaha Internetka.

Afhayeenka Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda furitaanka shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed oo shalay Baydhabo ka dhacday ayaa yiri “maanta shirkan furmaya aawgiis xalay maxaa la sameeyey ? Websiteyada oo dhan waxaa lasoo geliyey ninkii odayga ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waa taraaraxay oo Puntland ayuu weeraray, bal amarka Ilaaheey fiiri dulumka iyo daalimiinta waxa ay sameynayaan, 2013 inta anigoo jooga Odayaasha halkan anigoo kula shiraya anigoo idiin qudbeynaya oo hadlaya waatii telefoon la iisoo diray 11-kii September 2013 howlgallo laga sameeyey xiligaas Puntland oo la igu yiri hada waxa socota ganacsato la xir xiray “

“taasi waxaan tusaale ugu soo qaatay in idinka nabadii meeshaan laga doonaayey aad hanti weyseen oo aad xasilin weyseen,dadkii idiinka tagayna meel kale ay joogaan , waa la gooyey hadalkeeyga oo dhan Jawaari waxaa la yiri Puntland dadbeey xer xertaa baraha internetka ayaa lasoo geliyey, saakay oo dhan Xildhibaanno ayaa telefoonno iga soo wacayey oo I dhahay
Oday waa sidee? Hada inaan dhahay ayaa laga dhigay waana hal sano ka hor mar howlgallo ay socdeen oo aan idinka tusaale ahaan idiinkugu soo qaatay, bal amarka ilaaheey intaas ayaa lasoo geliyey dadkii oo dhan waxey leeyihiin Oday sidaan laguuguma ogaan jirinee” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.

“intaas ayaa lasoo geliyey sida ma aragtaa kuwa Kirishtanka ah ee markii qurbaha aad joogto, gaallada muslimiinta lidka ku ah ee qur’aanka wax ka sheegaya aayad ayey ku weeydiinayaan waan idiin sheegayaa tusaale waxaan u soo qaadanayaa :-

(AL-RIJAALU QAWAAMUUNA CALA NISAA’I ) hakadka kaliya ayey istaagayaan
horey uma soconayaan oo ma dhameystirayaan, tanina taas ayey la mid tahay oo hadalkeyga lama dhameystirin,waxaan leeyahay Alle ka cabsada saxafiyiinta oo hadalka sida uu yahay usoo daaya maalintaasi waad joogteen” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

-Dhammaad