U bood dhigaalka

Gedo: Beello Ka Heshiiyey Khilaaf Ka Dhashay Qodista Ceel Biyood

Sheeko:Dalka

Beello walaalo ah oo ku dhaqan gobolka Gedo ayaa waxay ka heshiiyeen khilaaf muddo soo jiitamayey kaasi oo salka ku hayey qodista ceel biyood riig ah.

Khilaafka u dhaxeeyay  Beelahan oo soo jiitamayey ilaa Afar bil ayaa waxa uu salka ku hayey lahaanshaha Ceel biyood riig oo laga qodayey Dhul oomane ah oo ku yaalla nawaaxiga tuulada Kurtun oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya dhinaca Gobolka Gedo iyo dhul daaqsimeed.

Aden Nuur oo ka mid ah Odoyaasha tuulada Kurtun ee laga qodayo Ceelka ayaa Goobjoog waxaa uu u sheegay in ceelkan Riigga ah in ahmiyad ballaaran uu u leeyahay Nolosha dadka iyo duunyada,.

Dadka degan tuuladaasi oo u badan xoolo dhaqato ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa 300 oo qoys,kuwaasi oo aanan haysanin Biyo ku filan oo nadiif ah.

Ceelkan ayaa waxaa ka faa’idyesan doona dhammaan dadka ku dhaqan Tuuladan iyo sidoo kale tuulooyinka kale ee ku dhow.

Goobjoog News