U bood dhigaalka

Gedo: Dagaal iyo Qaraxyo Ka Dhacay

Sheeko:Dalka, War

Wararkii ugu dambeeyay ee Goobjoog News ay ka helayso gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda degaanno ka mid ah gobolkaasi ay tahay mid deggan.

Deganaanshiyaha ayaa ka dambeeyay markii dagaallo ay maanta ka dhaceen degaanno kaabiga ku haya magaalo madaxda gobolka ee Garbahaareey.

Dagaallada u dhaxeeyayu ciidamada dowladda oo gacan ka helaya iyo Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Alshabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kale duwan oo labada dhinacba kala gaaray.

Degaannada lagu dagaallamay waxaa Birta Dheer, Kala-beyrka oo u dhaxeeya dhulka magaalooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo masaafo ahaan isu jirta 40KM.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dagaalladani ay yihiin kuwa Alshabaab looga saarayo degaannada ay ka maamulaan gobolka.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyo ka dhacay degaannadaasi oo lala eegtay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Dhanka maamulka gobolka Gedona waxa ay dagaalladani oo maalmahaniba ku soo noqnoqday gobolka meelo kamid ah ay ka sheegteen guulo.

Goobjoog News