U bood dhigaalka

Gedo: Jubbaland Oo Ciidamo Hor Leh Geysay Magaalada Beladxaawo

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dowlad goboleedka jubbaland ay ciidamo fara badan geysay degmada beladxaawo ee gobalkaasi.

Ciidankan oo la sheegay in ay ka soo ambabaxeen degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen gaadiidka dagaalka, iyaga oo xalay ku soo biiray ciidamada daraawiishta Jubbaland ee ku sugan magaalada Beladxaawo.

Saraakiisha ciidanka oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa waxa ay ciidankan la geeyay magaaladaasi ku micneeyeen in ay tahay sidii loo sugi lagaa amniga oo ay tilmaameen in muddooyinkii dambe ay deegaanadaasi ka dhacayeen rabshado iyo falal amniga lidi ku ah.

Magaalada Beladxaawo ayaa waxaa horay ciidan u geysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana magaaladaasi mar ka dhacay isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladdu ay gobalkaasi geysay.

Mareykanka ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay in ciidanka ay geysay Gedo uu yahay duulan islamarkaana aysan ahayn wax la aqbali kari in dowladdu ay ku duusho deegaanada qaar ee dalka.

Goobjoog News