U bood dhigaalka

Gedo Oo Laga Hirgaliyey Iskuullo Lacag La’aan Ah

Sheeko:Dalka

Iskuullo waxbarasho oo bilaash ah ayaa laga hirgaliyey xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha ee ku sugan gobolka Gedo.

Xiish Mahad yare oo ah madaxa waxbarashada hay’adda Hirda ayaa sheegay in waxbarashadan lacag la’aanta ah ay ka faa’ideysan doonaan caruur gaartay da’da waxbarasho ee ku nool xerooyinka barakacyaasha ee gobolka Gedo.

Deegaannada Baardheere, Luuq iyo Baladxaawo dadka ku nool ayaa iskuuladaani lacag la’aanta ah ka faa’ideysan doono waxayna gaarayaan ardeyda dhiganeyso ku dhawaad 5 kun oo arday.

“Barnaamijkaan waxaa loogu talo galay barakacyaasha maadaama meeshii ay waxbaran jireen oo hore ay waxbarashadii ka joogsatay intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo badan oo kale,  waxaan ugu talo galnay in ilmaha ay meesha ka faa’idestaan, barnaamijkaan waxaa loogu talo galay ilaa iyo 5 kun oo caruur ah oo gobolka Gedo oo dhan ah, waxbarashadan waxaan ugu talo galnay dadka ay ka dhamaadeen xoolihii kana soo barakacay abaarihii si ay u dhan dhansadaan waxbarashada’.

Dadka barakacyaasha ah eek u nool xeryaha ku yaallo gobolka Gedo ayaa horay u haysan adeegyada asaasiga ah oo ay ka midka yihiin waxbarashada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada