U bood dhigaalka

Gedo: Roob Ka Da’ay Deegaanno Biyo La’aan Ka Jirtay

Sheeko:Dalka

Roobabka xilliga deyrta ayaa ka curtay deegaanno kamid ah gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya xilli deegaannadaasi ay roob la’aan ka jirtay.

Deegaannada roobkani uu ka da’ay ayaa waxay hoostagaan degmooyinka Luuq, Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaana ay socdeen saacado badan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Likooley oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa u sheegay Goobjoog Fm in dadka oo aad u harraadsanaa ay heleen biyo badan oo roobku dhigay.

“Roobkan saacado badan buu inoo socday ilaahay baa mahad leh waan ku diirsannay, biyo ayaan ka helnay, dadku oomane bay ahaayeen nasiib wanaag roob baa yimid”

Waxaa jira deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo kuwaa oo biyo la’aan baahsan ay ka jirto, sidoo kalena aanu weli roobku ka da’in.

Goobjoog News