U bood dhigaalka

Gedo: Saraakiil Ciidan Oo Sheegay In Ay Hub Ka Qabsadeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-shabaab ay hub badan ku qabsadeen.

Gaashaanle Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi oo ah abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa tilmaamay in Al-shabaab oo habeen kahor weerar kusoo qaaday degmada Garbahaarey ay dabagaleen, islamarkaana khasaare ay soo gaarsiiyeen.

Wuxuu sheegay abaanduulaha in ciidanka xoogga dalka ay dileen xubno Al-shabaab ah, sidoo kalena ka qabsadeen hub badan.

“Markii ay weerarka nagu soo qaadeen waxaan ka dilnay rag badan, waxaan sidoo kale ka qabsannay hub ay dadka ku gumaadayeen” ayuu yiri Abaanduule Cismaan.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin wax ka jira in hub looga qabsaday gobolka Gedo.

Goobjoog News