U bood dhigaalka

Gedo: Tuulooyin Ku Baaba’ay Fatahaad uu Sameeyay Wabiga Jubba iyo DF oo Gurmad Laga Dalbaday

Sheeko:Dalka

Guddoomiyha degmada Luuq ee Gobolka Gedo  Ibraahim Maxamed Nuur Towfiiq ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga Jubba hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan.

Ibraahim Towfiiq  oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka.

Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba.

Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa sanad walba ku fataha deegaannada iyo degmooyinka ay maraan waxaana ka dhasha khasaarooyin kala duwan oo marka qaar xitaa sabab khasaare nafeed.

Goobjoog News