U bood dhigaalka

Gedo: Xaaladda Magaalada Beladxaawo Oo Maanta Degan

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayo magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa wax ay sheegayaan in maanta guud ahaan xaaladda magaalada ay degantahay ka dib shaqaaqooyin ay dad ku geeriyoodeen oo ka dhacay magaaladaas.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in isku socodka dadka, gaadiidaka iyo midka gancsi ee magaalada uu yahay mid caadi ku soo laabtay inkastoo dadka ay mar waliba muujinayaan cabsi ay ka qabaan in dagaal uu magaalada ku dhexmaro ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada dowladda ay geysay qeybo ka mid ah gobalka Gedo ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan degmooyinka Luuq iyo Beladxaawo oo ay horay uga arrimin jireen ciidanka daraawiishta dowlad gobeelda jubbaland.

8-dii bishan ayey ahayd markii dagaal uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland iyo ciidanka dowladda uu ka dhacay magaaalada Beladxaawo, waxaana dagaalkaasi uu cabsi ku abuuray dadka shacabka ah.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa ku sugan goob qiyaastii 2-km u jirta degmada Beladxaawo oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku fidinaysa qeybo ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Goobjoog News