U bood dhigaalka

Geedi Socodka Cafinta Deynta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Soomaaliya waxaa ay la tacaaleysaa hirgelinta barnaamijyo badan sida wax ka qabashada saboolnimada iyo in laga cafiyo deymaha caalamiga ah.

Dalka waxaa hadda lagu leeyahay lacag gaareysa shan bilyan oo doolar, bixinta lacagtaasi waxaa ay ku xirantahay in deymo iyo dhaqaale kale ay hesho dowladda federaalka ah.

Lacagta deynta ah ee lagu leeyahay Soomaaliya oo dhan Shanta Bilyan waxaa ku leh dalal hodan ah oo ay ka midyihiin Mareykanka, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Soomaaliya, waxaa kale oo deyn ku leh hay’ado iyo dowlado kale,  waxaana ka mid yahay Santuuqa horumarinta Carabta, saddex boqol labaatan iyo shan milyan ku leh santuuqa lacagta adduunka.

Haddii deynta lacagta IMF xal loo helo Soomaaliya waxa ay ka mid noqon doontaa Barnaamijka bankiga aduunka ee horumarinta oo bixiya shan iyo todobaatan bilyan oo dalalka ay waqti dheer u heli karaan iska bixinta deynta iyo lacagta dulsaarka oo aad u yar.

Hadaba maxay ka badali kartaa hanaanka horumarka dalka cafinta deymahaas?

Qeys Cali Cumar oo ah Falanqeeye oo arrintaas Goobjoog News uga waramay waxaa uu yiri“Soomaaliya haddii wax laga cafiyo iyo haddii aan waxba laga cafin isku mid ayay tahay, maxaa yeelay Soomaaliya Nidaamkeedii ma hore ayuu burburay, is fahamkiina waakan hadda socda, Soomaaliya waa in ay xiriir sameysaa, Xiriirka cidda ay la sameyneyso waa midda hadda taagan, marka cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya waxaa keliya oo loo dhaafi karaa markii ay la yimaadaan dadka Soomaaliyeed wax qabad, karti, shaqo iyo hufnaan”.

Deynta hadda Soomaaliya lagu leeyahay inteeda badan waa deyn waqti dheer ah 90% waxa ay gashay 1980-kii wixii ka horreeyay, haddaba sidee xukuumadda Soomaaliya uga jawaabtay haddii la cafiyo sida ay isku badeli karto nidaamka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee dowladda.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda waxa uu yiri “2018-ka, waxaan dooneynaa inaan sii wadno geedi socodka cafinta deynta, waxaa ugu horreeyo waxaa waaye jeebka gacanta galiya,  dadkiina mushaaraadkiisa bixiya, ciidankiina mushaaraadkooda bixiya, ciidankiina cuntooyinkiisa iyo baabuurtiisa bixiya, weli lama gaarin iskuullo iyo dhismaha jidad iyo kaabayaal”.

Si kasta haddii la cafiyo deynta Soomaaliya waxaa suura galaya in ay la macaamisho bankiga aduunka isla markaasna ay dowladdu daabacdo lacag ay aqoonsanyihiin hay’adaha maaliyadda dunida.

Goobjoog News