U bood dhigaalka

Geelle: Warbaahinta Madaxa-bannaan Qeyb Kama Aha Dagaalka Ka Dhanka Ah Argigixisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo bixinayay wareysi ayaa carabka ku adkeeyay in Al-shabaab ay weli leeyihiin awood muuqata.

Mr. Gelle ayaa warbaahinta madaxa bannanaan ku eedeeyay inaysan ku jirin dagaalka ka dhanka ah waxa reer galbeedka ay ugu yeeraan argigixisada, waxaa uu tilmaamay in warbaahinta ay ka soo muuqdaan Al-shabaab oo wata dareys qurxoon iyo hub badan taasi oo dadka ku abuureysa cabsi iyo argagax.

Gelle waxaa uu intaasi ku daray in ciidanka dowladda aysan heli Karin rasaasta qoryaha.“Warbaahinta dhexdeenna aan sheegno dhibaatadiisa waxaa waaye sidii raga gaaladu ay u shaqeyneyso ayey u shaqeeyaan ay ila tahay anigu, Marka wariyuhu wuu sheegayaa waxaa uu oronayaa ciidamada Shabaab waa argigixiso ma oranayo  mayareynayo, dagaalkii argigixisada lagula jiray wuu ka harayaa taasna dhibaatey keeneysaa oo umaddii ayaa jahwareereysa cabsi ayaa gelaya. Waxaa lagu tusayaa sawir ay sitaan Dareys cusub oo rasaas badan ay wataan halka ciidankii Soomaaliya uu la’yahay xabadda qoriga la gashto”.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ka mid ah madaxda Saameynta ku leh ammaanka Soomaaliya waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News