U bood dhigaalka

Geerida Amiir Dhalaal Kadib, Akhriso Dimoqoraadiyeynta uu La rabay Boqortooyada Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Waxaa ku geeriyooday da’da 87 da Amiir Dhalaal Bin Cabdi Casis Aala-Sacuud, waa wiilkii 18aad ee aasaasaha Sacuudiga Boqor Cabdi Casis Aala-Sacuud.

1931-dii ayuu ku dhashay Dhaa’if, 1952 waxaa loo magacaabay wasiirka isgaarsiinta kadib waxaa uu qabtay wasiirka maaliyadda isaga oo sidoo kale noqday safiirka Sacuudiga ee Faransiiska.

Haddaba, Amiir Dhalaal, Muxuu Sameeyey?!

1958-dii, isaga iyo 4 kale oo walaalihiisa ah waxaa ay aasaaseen dhaq-dhaqaaq ay ku dalbanayaan in boqortooyada loo sameeyo baarlamaanka iyo dastuur, iyaga oo codsaday in reer boqor ay xukunka ka fogaadaan, kadib waxaa lagala laabtay Baasaboorkii, iyada oo lala wareegay hantidiisa, waxaana loo masaafuriyey Masar.

2001-dii waxaa uu ka baxay hey’adda Beycada kadib markii Amiir Naa’if oo ah amiirka 23aad laga dhigay dhaxal-sugaha, isaga oo xukunka loogu diiday go’aanno uu horay u gaaray iyo sida uu u rabo dimoqoraadiyadda.

Boqorka hadda ee Salmaan waa wiilka 25aad ee boqor Cabdi Casis, Dhalaal 18aad ah waa loo diiday inuu xukunka qabto, waxaana la xiray labo wiil uu dhalay, oo lacag xoog looga qaatay.

Goobjoog News