U bood dhigaalka

Geesiyad Ka Baxday Qaranka Soomaaliyeed.

Sheeko:Dalka

Col. Faadumo Cali waxay u hurtay nolosheeda sidii nabadda iyo ammaanka loogu soo celin lahaa dalkeeda Soomaaliya. Faadumo oo ahayd hooyo 33 jir ah ayaa ciidanka militariga ku biirtay sannadkii 2007 waxayna hoggaan u noqotay ciidanka Danab oo ah ciidan dowladda Mareykanku ay si gaar ah u tababartay.

Waxay ka qeybqaadatay dagaallo badan oo lala galay Xarrakada Alshabaab oo uu ka mid ahaa dagaalkii Xarrakada Alshabaab looga saaray magaalada Muqdisho. Laakiin 22kii bishan May, iyadoo taagan bar ciidan oo Muqdisho ku taal ayaa Faadumo lagu dilay qarax gaari. Ninkeeda oo isna ahaa taliye ka tirsan ciidanka DANAB ayaa isla weerarkaas ku dhintay.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xusay in Faadumo ahayd askari qiime u leh ciidanka Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ku sugan maxaayeelay waxay ku hadli jirtay luuqadda Ingiriiska. Sidoo kale Faadumo waxay ahayd gabadhii ugu horreysay ee ilaalo gaar ah u noqotay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Waxay kor u qaadday hadafkii ay ka lahayd ciidanka militariga waxayna ahayd geesiyad aan weynnay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed.

Malyuun Maxamed oo ah gabar la dhalatay Faadumo ayaa sheegtay inay u ahayd qof ay hiigsato. “Waxay korineysay carruur, caawineysay aabbaheed iyo hooyadeed, Waxay dhammaanteen noo ahayd qof na dhiirrigelisa. Waan ka xunnahay in carruurtoodu ay waayaan labadii waalid isku maalin,” ayey tiri Malyuun.

Carruurteedu waxay da’doodu u dhaxeysay 17 jir illaa mid jiray 22 maalmood. Faadumo horey ayaa loo guursaday waxayna horey ugu weysay ninkeeda weerar Alshabaab ay geysteen laba sano ka hor. Inkastoo Muqdisho ay gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa, Weerarrada Alshabaab waa kuwo sii socda. Weerarkaan waxaa lagu beegsaday saraakiil iyo xildhibaanno ku sii jeeday aqalka Madaxtooyada. Sagaal qof ayaa lagu dilay oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye.

Wasiirka gaashaandhigga wuxuu sheegay in laba hawlgal ay socdeen kuwaasoo ka dhan ah Alshabaab isagoo intaas ku daray in dagaalka lagu baabi’inayo Alshabaab uu yahay mid ay dadaal badan ku bixineyso dowladda. “Markasta oo aan xoreynno goob, waxaan qornaa oo geynnaa meeshaas ciidan boliis ah, dib ayaan u dhisnaa guryaha ,waxaan u qeybinnaa dadka raashin waxaana u dhisnaa maamul,” ayuu yiri wasiir Maxamed.

Websiteyo badan oo Soomaaliyeed iyo baraha bulshada ayaa lagu faafiyey tacsi loo dirayo askartii geeriyootay iyagoo loo arkay inay yihiin geesiyaal dalka ka baxay. “Faadumo waxay ahayd hooyo aad loo jecel yahay, Markasta oo ay hawlgal ku jirto hooyadeed iyo carruurteeda kale ayaa daryeeli jiray qoyskeeda. Geerideeda aad ayey noo taabatay. Maalin murugo ayey u tahay qoyskeenna.” Ayey tiri Malyuun oo ah gabar la dhalatay Faadumo.

VOA.