U bood dhigaalka

Gelinsoor: Maamulka Oo Ka Hadlay Haween La Qafaashay

Sheeko:Dalka

Maamulka Deegaanka Gelinsoor ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ee Soomaali galbeed ay qafaasheen Saddex Haween ah, kuwaasi oo ay ka qafaasheen deegaan ku dhow degmadaasi.

Guddoomiyaha Gelinsoor Cali Saciid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Haweenkan ay gacanta ugu jiraan ciidamadan muddo dhan 4 cisho, isaga oo sheegay inaanu ogeyn sababta loo qafaashay.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in dhankooda dedaal ay sameeyeen si haweenkan loo sii daayo balse aanay u suurtagelin iney helaan madaxda ciidankaasi.

“Afar cisho ayeey gacanta ku hayaan haweenkan, waxaana ay ka qafaasheen Duleedka Gelinsoor, waxaan sidoo kale isku daynay inaan helno haweenkan, hase ahaatee ma aanay suurtagelin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale guddoomiye Cali Saciid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka Galmudug aysan ku wargelin arrintan, sababtuna wuuu ku tilmaamay inaanay waxbo ka qaban karin.

Goobjoog News