U bood dhigaalka

George Floyd oo Lagu Aasay Magaalada Houston

Sheeko:Amniga

George Floyd, oo ahaa nin ka tirsanaa Bushada Madow ee Mareykanka, dilkiisana uu dhaliyay dibadbaxyo gilgilay guud ahaan Mareykana iyo qeybo ka mid ah dunida, ayaa Talaadadi shalay lagu aasay magaalada uu ku dhashay ee Houston.

Xubno ka tirsan qoyskiisa, asxaabtiisa, siyaasiyiin, shakhsiyaad u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda rayidka iyo dad caan ka ah Mareykanka oo intooda badan xirnaa dhar cad cad afkana uu u daboolnaa, ayaa ka qeybgalay kana hadlay munaasabadda lagu macsalaameeyay Floyd.

Al Sharpton oo ka mida dadka ugu caansan ee u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda madaniga Mareykanka, ayaa munaasbadda ka sheegay in George Floyde uu baddalay adduunka.

Floyd ayaa dhintay 25-kii May, kaddib marki uu qoorta kaga istaagay askari caddaan ah oo ka tirsanaa qeybta booliska ee magaalada Minneapolis, kaasoo marki danabana shaqada laga eryay lana xiray.

Qof waddada marayay ayaa muuqaal ka duubay dhacdada. Muuqaalka ayaa laga maqlay Floyd oo dhahaya ‘ma nefsan karo’, ‘ha iddiin’ iyo ‘maama’. Muuqaalkaasi ayaa kiciyay bannaanbaxyo rabashado watay oo lagu dalbanayo caddaaladda iyo in boolisku uu dhowro xuquuqda dadka madoow.

Brooke Williams oo ah gabadh uu abti u yahay George Floyd ayaa munaasabaddi aaskiisa shalay ka sheegtay, in ay neefsan karto isla markaana inta ay neefsaneyso ay ka shaqeyn doonto sidii uu Floyde caddaalad u heli lahaa.

Goobjoog News