U bood dhigaalka

Ghandour: Suudaan Waxay U Baahantahay 30 Milyan Si Ay U Badbaadiso Diblomaasiyaddeeda

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan Ibraahim Ghandour ayaa sheegay in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta iyo ergeyda Suudaan ee ku sugan dibadda ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan dalka, ka dib markii aan la siinin wax mushaaq ah.

Ibraahim oo hadal ka horjeedinaya golaha Baarlamaanka Suudaan ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay awoodi weysay xitaa in ay bixiso kirada guryahay safaaradaha iyo qunsulyada ee ay ku leedahay wadamada caalamka, lana bixin mushaaraadka diblomaasiyiinta, waxaa uu intaas ku daray in ay Suudaan u baahantahay lacag dhan ku dhowaad 30 Milyan.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan waxaa uu arrintaan u sababeeyay Suudaan oo weli mareyso xaalado adag oo dhanka dhaqaalaha ah in ay keentay in muddo bil ah labixin waayo mushaaraadka diblomaasiyiinta iyo kiradaha xarumaha .

Kirada iyo Mushaaraadka diblomaasiyiinta waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay ku filantahay wax ka yar 30 Milyan, balse bajadka wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa gaaraya ku dhowaad 69 Milyan oo doolar.

Goobjoog News