U bood dhigaalka

Go’aanka Maanta Laga Filayo Guddiga Xaqiiqo-raadinta Ee Qalbi-dhagax

Sheeko:Dalka

Sida ay Goobjoog News u sheegay qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka waxaa maanta la filayaa guddigii golahu u saaray in ay soo baaraan go’aankii xukuumadda federaalka ah ku dhiibtay Cabdikariim Qalbi Dhagax ay warbixin buuxda hor-keenaan baarlamaanka.

Mar aan weydiinay waa maxay Jawaabta laga filan karo, waxaa ay Xildhibaannada sheegeen in la doonayo in baaritaanka guddiga ku soo gabgabeeyaan natiijada labo arrin oo kala ah: Heshiisyada la sheegay in lala galay dalka Itoobiya iyo sida uu ku dhacay dhiibista Xukuumadda Cabdikariim Qalbi Dhagax.

Arrinta Heshiisyada Itoobiya:

Guddigan xaqiiqo-raadinta ah ee golaha shacabka waxaa lagu sugayaa in qoraalkooda ku muujiyaan in ay jireen heshiisyadaasi la sheegay in ay dhex-mareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo in kale iyo haddii ay jireen ama haddii aaney jirinba labadooda maxaa ka dhalanaya?

Arrinta Qalbi-dhagax:

Guddiga waxaa la sugayaa in ay golaha shacabka hor-keenaan sida ay u dhacday dhiibista Cabdikariim Qalbi Dhagax oo faah-faahsan, waxaa kaloo laga rabaa in ay qoraalkooda ku muujiyaan gebagabada in Qalbi-dhagax uu ahaa sida xukuumadda federaalka ah sheegtay ama in uu ahaa muwaadin si gar-darro ah lagu dhiibay, oo ay tahay in la soo celiyo.

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa 13-kii September, 2017-kii, guddi 15 xubnood ka kooban u xil-saaray in ay soo baaraan go’aanka xukuumadda ku dhiibtay Qalb-dhagax, waxaana la faray hey’adaha kala duwan ee dowladda in guddiga la shaqeeyaan.

Warbixin: Xaaska Qalbi-dhagax, Gabadhiisa, Xildhibaanno Iyo Aqoon-yahan Villa Somalia Ku Cadaadinaya Ka Hadlidda Mas’uuliyadda Xariggiisa

Goobjoog News