U bood dhigaalka

Go’aankii Maxkamadda Sare Ee Galmudug Oo Laga Horyimid

Sheeko:Dalka

Xubno ka tirsan Garsoorka Galmudug ayaa been abuur ku tilmaamay in wax ay ka ogaayeen go’aanka kasoo baxay gudoomiyaha maxkamdda sare Galmudug.

Waxa ay sheegeen in go’aankaas kaliya uu qaatay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Galmudug Yaxye Sheekh Cali Maxamed, iyaguna uu ka madax banaan yahay.

C/qaadir Maxamuud Cilmi, guddoomiye ku xigeena maxkamadda sare ee Galmudug ayaa sheegay in la yaab ay noqotay markii ay maqleen in guddoomiyaha maxkamadda shaqsi sheeganaya uu ayido go’aankii ay kala qaateen xildhibaannada Galmudug.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in shaqadii Galmudug uu xilli hore ka tagay guddoomiye Sheekh Cali lana hayo warqadihii uu shaqadaasi kaga tagay.

Sidoo kale waxaa aragtidan la qaba xubno ka tirsan maxkamada Galmudug oo lagu xusay warqadda ayidaadda iney wax ka saxiixeen.

Sheekh Cali Maxamed ayaa qoraal uu shalay soo saaray wuxuu ku sheegay in si sharci ah xilalkii looga qaaday Madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa Koowaad.

Goobjoog News