U bood dhigaalka

Gobolka Awdal Oo Ay Ku Dhinteen 15 Qof

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay Roobab ka da’ay gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, roobabkan ayaa waxay wateen sida la shegay dabeylo.

Guddoomiyha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Roobabka ka da’ay Awdal ay ku dhinteen 15 qof.

Dhinaca kale, Lix qof  ayaa lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen Roobab Duufaano wata Oo xalay ka da’ay Deegaanada iyo Xeebaha Gobalka Salal Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Dhibaatadan laga sheegayo Somaliland waa qeyb ka mid ah roobab iyo duufaanno ku dhuftay 48 saac ee la soo dhaafay xeebaha waqooyi ee dalka kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh.

Goobjoog News