U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Ballan-qaaday Dhismaha Waddooyin Cusub

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqamagaalada Muqdisho Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saaka dhagax-dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Taabid oo shir jaraa’id goobta ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay dhisi doonaan waddadan iyo dhammaan waddooyinka kale ee bur-buray.

Mudane Taabid Cabdi waxaa la magaacabay April 6, 2017, 5 bil kadib maalintaasi shaqada gobolka waxaa ay u socotaa si tartiib ah, weli lama magacaabin wax ka badan guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Goobjoog News