U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Buburiyey Dhismayaal Sharci Darro Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal burburin ah ka sameeyey inta u dhaxeysa isgoysyada Black Sea iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa howlgalkaan lagu burburiyey dhismayaal ganacsi oo lagu dhisay wadada dhexdeeda, iyadoo maamulka gobolka uu digniin u diray ganacsatada kale ee dhistay waddooyinka.

Guddoomiye ku xigeeenka arrimaha amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Claahi Tuulax oo goob joog ka ahaa burburintan ayaa sheegay in aan ka maamul ahaan la aqbali doonin waddooyinka oo la dhisto.

“Waxaan habeenadii lasoo dhaafay wadnay inaan dib u furno waddooyinka magaalada…waxaa jirta caado loo bartay oo ah iney is dhahaan lama soo laabanayo oo dib loo dhiso wixii aan duminay, laakiin ciddii dib u dhista wixii aan duminay waa lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhismayaashan ayaa ka dhex dhisnaa bartamaha waddooyin ay shacabka maraan, waxaana halkaasi ka jiray ciriir aad u badan.

Goobjoog News