U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Ka Qeybqaadanaya Gurmadka Abaaraha Dalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in isaga iyo shaqaalaha Dowladda Hoose oo is kaashanaya ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada gurmad loo fidiyo  dadka abaartu ay ku Heyso Deegaana Badan oo Goboladda dalka ah.

Guoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed laga rabo iney ay ka waantoobaan gacma hoorsiga Dowladda shisheeye,taa bedalkeedana ay u gudbaan in dhexdooda ay is caawiyaan.

“Maamulka gobolka iyo guud ahaan shaqaalaha gobolka waxay diyaar u yihiin iney ka qeybqaataan u gurmashada dadka abaarta ku hayso gobollada dalka, shacabka Soomaaliyeed iyaga dhexdooda ayaa loo baahan yahay iney isku gurmadaan bedalkii ay shisheeye gacmaha u hoorsan lahaayeen” ayuu yiri guddoomiyaha

Dhanka kale duqa Muqdisho ayaa sheegay  in shaqaalaha dowladda lacagaha ayku bixinayaan gurmadka abaaraha iney soo mariyaan waaxyaha ay hoos yimaadaan ee gobolka Banaadir.

Qaar kamida Gobollada dalka waxaa hadda ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News