U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Ka Sheeganaya Fulin La’aanta Amarradooda

Sheeko:Dalka

Gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in uu ka sheegtay sida  sharciga fulintiisa ay marwalba u hirgalin oo loo hareer maro, arrintaasi waxaa laga sheegay kulan ay khamiistii isugu yimadeen.

Si loo hirgeliyo go’aamada gobolka Banaadir, waxaa uu Golahu go’aamiyeen qoddobada soo socda:-
1. Goluhu wuxuu farayaa in la ilaaliyo sharciga wadooyinka cidii jabisaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

2. Waxaa sidoo kale ciidamada la farayaa ciddii lagu arko iyaddoo lacago laaluush ah ka qaadaneysa shacabka iyo ganacsatada baraha ciidanka, in isla meesha talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

3. Waxaa dhammaan madani iyo ciidanba la farayaa in loo wajaho sida ay tahay go’aamadda sharciga waafaqsan.

4. Golaha wuxuu isku raacay in si wadajir ah loo la xisaabtamo ciddii ka hortimaado go’aammada sharciga waafaqsan ee ku aaddan dhulalka iyo guryaha la isku heysto.

5. Waxaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ciidammada amniga lagu wargalinayaa in arrimaha dhulalka iyo guryaha la isku heysto in ay lasoo xiriiraan Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/hoose ee Muqdisho.

6. Go’aammada hay’adaha Amniga Gobolka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Gobolka Banaadir, haddii ay jirto xaalad deg-deg ah, waxaa la isugu yeerayaa Golaha waqti kasta si loo wajaho xaaladda amni ee jirta.

Gobolka Banaadir waxaa uu mar walba soo saaraa go’aanno, Laakin ma fulaan sababo la xiriira sharciga iyo inta badan daba-gal la’aanta.

Goobjoog News