U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Qorsheynaya Maareynta Nolosha Barakacayaasha

Sheeko:Dalka

Kulan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhex nool gudaha iyo weliba duleedka magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qebgalay wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Siciid Xamse iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Wasiirka  oo  furay kulanka  ayaa yiri “Nus Malyuun Barakayaanlka  ah ayaa ku ku nool  gudaha  magaalada Muqdisho iyo waliba daafaha magaalada, waa nasiib daro inaan si wada jir ah aan uga qeyb qaadan weyno sidii looga saari laha barakacnimada, ayada oon dowladda federaka looga fadhiyo  in doorka ugu weyn ka qaadato sidii  dadkan barakacanimada ku nool in mustaqbaka dhaw  laga saro”

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri “Waxaa la sheegaa in magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin Nus Malyan dad ah oo barakacayaal ah iyo daafaheeda maahan mid xaqiiq ahl, waxaan dareemayaa iney ka badan yihiin, waayo m ajiro ruux sameeyey tira koob sax ah, magaalada ma xamili karto barakacayaal intaas dhan, waxa  ay u bahan yihiin in la xaliyo wax ka horeeyo la xallin lahaa majiraan, qofka soo barakacay waxa uu leeyahay xaq la siman midka ay leeyihiin dadka aan baraca aheyn, waxa  uu u baahan yahay inuu helo hooy, biyo nadiif ah ,musqul,  waxbarasho, caafimaad iyo wax waliba oo nolosha aas aas u ah”.

Dhanka kale guddoomiyaha gobalka Banaadir Injineer Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo asagana qeyb ahaa kulanka looga hadalayey sidii xal loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed mustaqbaalka dhaw ayaa yiri “Maanta waxaan daah fureynaa barnaamijka xal u helidda barakacayaasha oo aan in badan soo  wadnay juhdi badana galinay mudo 12 bilooda ah sidii dadkeena barakacayaashaa ay u heli lahaayeen  xuquuq dhan mida ay heystaan dadka kale iyo badbaadaba, runtii annaga gobalka Banaadir waxaa naga go’an shacabka in loo adeego si ayaguna waajibaadkooda u gutaan, sidii loo gaari lahaa waxaan in badan  soo wadnay wadatashiyo  ku aadan arrintaan oo aan la qaadanay dadka ay quseyso shacabkuna ugu horeeyo, waxaana ka soo baxay barnaamijkan aan maanta daah fureyno oo ah sidii xal waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah, waxaa loo bahan yahay in laga yeesho siyaasad furan oo shacabka dadka barakayaashaa iyo hay’adaha caalamigaa ay nala ogyihiin in la helo, siyaasadaas hadana  waa mid dhameys tiran oo taabanaysa meelo badan ayna ugu horeyso in xal loo helo dadka.barakacayaasha ah maahan in la dawado, waa mawaadiniin Soomaaliyeed waxa ayna leeyihiin xaqa mawaadin waliba oo Soomaaliya uu leeyahay shacabka waa lagu yaqaanay in walalahood ay soo dhaweystaan”

Ugu danbeen guddoomiya  maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in uu qorsheynayo in shanta sano ee soo socota aan laga helin caasimada Muqdisho iyo duleekeeda ruux barakac ah dadka ay wada helaan nolol siman

Goobjoog News