U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Wax Ka Qabanaya Cabashada Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney wax ka qaban doonaan cabashada ay qabaan ganacsatada magaalada Muqdisho, taasi oo la xiriirta canshuurta dekadda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada hadlo waxay ganacsatada tabanayaan, isla markaana loo turo dadka shacabka ah.

Yariisow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in wax la xalliyo, ayna raali ka ahayn wax walbo oo shacabka ama ganacsatada Soomaaliyeed dhib ku ah.

“Annaga waxaad nooga tashaneysaan cabashadiina sidii xal loogu heli lahaa, wax dhib u keenaya ganacsatadeena ma rabno, dhibkaas idinka idin kuma dhacayee shacabka ayuu ku dhacayaa, shacabka in la dhibo ma rabno haddana xal baan rabnaa, waxa la diidayo yeesan noqon canshuur ee ha noqoto war waxan dhibkaan ayaa na haysta, sidan ayaan xal u rabnaa” ayuu yiri Yariisow.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya canshuur dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay dekadda Muqdisho, taasi oo keentay in la xiro xarumihii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha.

Goobjoog News