U bood dhigaalka

Gobolka Catalonia Oo Ka Go’ay Dalka Spain

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaha xukuumadda gobolka Catalonia,Karlis ayaa sheegay in gobolka uu hadda helay xaqiisa waxaa uuna noqday dowlad madax banaan, ka dib markii afti loo qaaday taasi oo markii hore dowladda Spain ay diiday in ay go’o gobolka.

Afti qaadistaan ayaa waxaa lagu tiriyaa in ay fursad madax banaai ay u tahay gobolkaan iyaga oo gaaraya madaxbaani hal dhinac ah.

Madaxda gobolka Catalonia ayaa waxay sheegeen in boqolkiiba %40 ay ka qeyb qaateen dadka gobolka degan cod bixintaan,iyaga oo tilmaamay boqolkiiba %90 loo codeeyay in gobolkaan uu ka go’o Spain.

Dowladda Spain ayaa horay waxay u ballan qaaday inay ka hor imaan doonto afti loo qaado gobolkaani, ka dib markii maxkamadda Dastuuriga ah ay ku tilmaantay arrintaan waxba kama jiraan.

Dad badan ayaa is kugu soo baxay bartamaha caasimadda gobolka ee Barcelona,kuwaas oo ku faraxsanaa natiijada cod bixinta waxayna ruxayeen calanka gobolka Catalonia.

Xukuumadda gobolka ayaa sheegtay intii doorashada socotay ay dhaceen rabshado ay ku waxyeeloobeen ku dhawaad 800 oo qof.