U bood dhigaalka

 Gobolka Meru Oo Uhuru Ka Codsaday In Joojinta Qaadka Ay Kala Hadlaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hogaamiyeyaal ka tirsan gobolka uu qaadka ka baxo ee Meru ayaa ka codsaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,  Wasiirka Bariga Afrika, Phyllis Kandie  iyo wasiirka arrimaha dibadda  Amina Mohamed  in ay la hadlaan Soomaaliya si loo qaado xayiraadda la saaray Qaadka.

Talaadadii tagtay ayey dowladda Soomaaliya xayiraad ku soo rogtay qaadka ka iman jiray dalka Kenya arrintaas oo la sheegayo in ay saameyn ku yeelatay qoysas badan oo gobolka ah.

Florence Kajuju  oo ah mas’uulka haweenka ee gobolka ayaa sheegtay in 2 maalin gudahood ay Kenya qasaartay ilaa 100 Milyan oo Shiling.

Kajuju waxaa ay intaa raacisay in reer Meru intooda badan ay ku tiirsanaayeen lacagta Qaadka si ay caruurtooda wax u bartaan ama ku noolaasdaan”

“Qalad ayey aheyd Meru Governor [Peter Munya]  uu faraha la galo arrimo caalami ah oo aanu shaqo ku laheyn.

Ninka ayaa booqday Somaliland bishii July isagoo safarkaas kadib ku taliyay in la aqoonsado Somaliland arrintaas oo ay ka carrootay dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News