U bood dhigaalka

Gobolka Sanaag Waa Xudunta Isku Xidha Midnimada Soomaaliya

Sheeko:War

Sanaag: Gobolka Sanaag waa gobolka labaad ee ugu weyn Soomaaliya, wuxuuna xuduud la leeyay Gobollada Waqooyi galbeed, Togdheer, Sool, Bari iyo Gacanka Cadmeed. Waxa ku nool dad ka badan nus malyuun qof (UNFPA 2014), wuxuuna leeyahay cimmilo,  buura dhaadheer iyo xeebo.

Taariikh ahaan: sida ay tilmaamayaan raadadka taariikheed ee ku duugan gobolka waxa ka jiri jirtay Ilbaxnimooyin fac weyn iyo xaddaarado qadiim ah, waxa kaloo ku yaal xabaallo ay ku aasan yihiin awoowayaashii qabaa’ilka iyo beelaha Soomaliyeed badankood sida darteed waxa loo yaqaan Dhulkii awoowayaasha .

Waxa gobolka muda fara badan ka talinaysay Boqortooyadii Morasaante (Warsangeli), waxana boqoradaas ugu caansanaa Suldaan Maxamuud Cali Shire oo isku xili ahayeen markii gumaysiga dalkeena yimi.

Waxa ka soo jeeda dad fara badan oo caan ku ahaa halgankii xornima doonkii Soomaaliya, waxa ka loo jira Abwaano iyo gabyaa in badan midnimada iyo jiritanka Soomaliya maansooyin ka curiyey sida, Xaaji Aadan Afqalooc, ……. IWM.

Deeganada iyo Awoodaha Maamul:

Gobolka Sanaag waxa uu ka koobnaa Waqtigii Dowladii dhexe ee Soomaaliya  shan (5) degmo oo kala ah: 1. Degmada Laasqoray waxa dega Warsangeli, 2. Degmada Badhan waxa dega Warsangeli, 3, Dhahar Waxa dega warsangeli , 4. Degmada Ceergaabo waxa dega Warsangeli, Dhulbahante, Habarjeclo,  Habar yoonis iyo Gahayle. 5. Degmada Ceel-afweyn  waxa dega Habarjeclo iyo Qayb Sacad yoonis ah.

Degaan ahaan waxa dhulku u kala qaybsan yahay 78% Warsangeli, 10% Habar jeclo, 6% Habar yoonis, 4% Dhulbahante, 2% others. (Sanaag, P & P,2008).

Maamullada Puntland iyo Somaliland:

Ka mid noqashadii maamullada Puntland iyo Somaliland waxa keenay duruufo iyo baahidii xiliga jirtay oo ahayd inaanay jirin dowlad dhexe oo awood u leh hanashada iyo maamulka geyiga Soomaliyeed, sidaa darteed Bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Sanaag waxay ku khasbanaayeen inay maamuladaas wax la qayb sadaan laakin waa ku hungoobeen waxayna kala kulmeen :

  1. In aragtida maamulka Waqooyi ku dhisan yahay ay tahay mid ka soo horjeedda Haybta iyo Midnimada Soomaliya oo ah mid ay shacabka reer Sanaag u soo halgameen muddo badan, wax kasatana kala weyn.
  2. Qadarin la’aan iyo xuquuqday ay ku lahayeen maamuladaas oo anay si toosa u helin.

waxa kaloo cad in ay maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku fashilmeen inay  soo gaadhsiyaan gobolka horumar iyo nidaam maamul oo awood leh, waxa qudha ee ka jira gobolkaasna uu yahay nidaam taqliidiga ah ee ay ka dhaxleen boqortoyooyinkii ka jiri jirey, isagana lagu mareeyo duruufaha nololeed.

BULSHO DANAYNAYSA MIDNIMADA:

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa ah mid aad u jecel oo danaynaysa midnimada iyo qarannimada Soomaaliya taasna waxa tusaale u ah:

  1. Gobolka Sanaag waxa uu gabbaad iyo saldhig u ahaa kacdoonkii Sayid Maxamed C/leh Xasan iyo Daraawiishtiisi ee lagu doonayey xornimada iyo Midnimada Soomaaliaya, waxayna saldhigyo ka sameysteen deeganada Badhan, Jiidali, Midhisho, …… IWM, sababtuna waxay ahayd dadka deegaankaas oo ay xoriyada iyo midnimadu Soomaalidu ku wayn tahay, halgamayaashaana u arkaayey niman wada halgan muqaddas ah.
  2. Boqortooyooyinkii  Gobolka ka talin jirtay waxay ahaayeen kuwo ay ku weyn tahay Soomalinnimadu kana hortaga faragelinta shisheeyaha, waxaana tusaale u ah Boqor Maxamuud Cali Shire markuu diiday inuu u hogaan samo awaamirtii guumaysiga Ingriiska waxa loo masaafuriyey jasiirada Sishal (Seychelles) taariikhdu markay ahayd May 1920.
  3. Waxyaalaha lagu eedeeyo Xisbiga Waddani oo kamid ah xisbiyada ugu waaweyn Maamulka Somaliland iyo Hogaamiyihiisa C/raxmaan Ciro waxa kamid ah inuu yahay xisbi tageersan midnimad Soomaaliya; taasina waxa lagu sababeyn teegarada badan uu ku leeyahay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo ah bulsho jecel midnimad iyo is-haysadka Soomaalida.
  4. Dabbaal-degyadayada iyo soo dhaweynta loo sameye doorashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sannad-guuradii ka soo wareegtay doorashadiisa oo aan badi meel kale laga samayn waddanka, taasina waxay ka dhalatay iyaga oo ka aaminsan inuu yahay hoggaamiye soo celin kara midnimadii Soomaalida, arinkaana ka midha dhalin kara.

Guud ahaan Gobolka Sanaag ayaa ah kaydka dhaxalka iyo hiddaha Soomaaliya, Bulshadiisuna waa mid ku abtirsata Soomaali weyn, Sidaa darteed waxay u heelan yihiin in la helo Dowlad Soomaliyeed oo xoog badan oo soo gaadha Gobolka isla markaan ay ka helaan xuquuqdii ay lahaayeen.

Mohamed Said Farah (MSF). Badhan- Sanaag