U bood dhigaalka

Golaha Amaanka oo isku raacay la Dagaalanka Daacish

Sheeko:Dalka

Golaha amaanka qaramada midoobay ayaa ku booriyay dowladaha dhamaan in ay ka qeyb qaataan la dagaalanka Daacish.

Golaha amaanka ayaa si aqlabiyad ah isku raacay in la labo laabo dadaallada lagula dagaalamayo Daacish oo ay  sheegeen in ay tahay Khatar Caalami ah.

Qaraarkan waxaa xoogga saarayaa Daacishta ku sugan Dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyagoo dowladaha ugu baaqay in dadaalkooda ay mideeyaan.

Qaraarkan kuma soo bixin articalka 7-aad oo u ogolaanaya dowladaha in ay awood la adeegsado, lakin dowladahana golaha amaanka oo ka kooban 15 dal oo 5 ka mid joogta ay tahay waxay isku raaceen in dagaal lalal galo Daacish.

Goobjoog News.