U bood dhigaalka

Golaha Amaanka oo Kordhiyay Mudada Joogitaan-ka (UNSOM)

Sheeko:Dalka

Golaha Amaanka ayaa talaadadii isku raacay qaraar lagu kordhinayo Mudada joogitaanka Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya, mudada cusub ee loogu daray Joogitaanka UNSOM waxaa ay ku eg tahay Aug. 7, 2015.

Golahan oo ka kooban 15 dal, waxaa ay sheegayaan in ay xushmeynayaan Madaxbanaanida dhaqan dhaqaale, Midda siyaasadeed iyo Midnimada dalka soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa talooyin badan ka bixiyay qaababka ay Qamada Midoobey iyo Midowga Afrika u wajahaan la dagaalanka Al-shabaab.

Dhawaan, Warbixin uu golaha Amaanka siiyay Wakiilka Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ahna Madaxa UNSOM  Nicholas Kay waxaa uu ku sheegay in Qaramada Midoobey ay kuu guuleysatay in hor-u-mar siyaasadeed ka gaaraan dhinacyo badan isagoo tilmaamay hor-umarada laga gaaray dhinacyada Federaalka iyo Maamul sameynta, Baarlamaanka, Xiriirka ay la leeyihiin gobolada iyo Madaxdooda iyo hirgalinta ku saabsan aragtida 2016-ka iyadoo loo marayo wada hadal iyo dib u heshiisiin.

Key ayaa warbixintiisa ku daray in arimo badan ay harsan yihiin, isagoo carabka ku dhuftay in waqti badan ka harsan yihiin 2016-ka iyo in Al-shabaab laga yaabo ay carqaladeyso geedi u socodka siyaasadeed.Todobaadkan horaantii waxaa la dilay Yusuf Muhammad Dirir  oo ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya iyo darawalkiisa,  halka Xildhibaanka  Abdullahi Boss Ahmed isla goobta lagu dhaawacay.

Iyadoo la tixgalinayo soo jeedinta Ban Ki Moon ee golaha Amaanka May 2013-dii ayaa UNSOM la sameeyay June, 3, 2013-dii, si ay u shaqeyso muddo 12 Bil ah.