U bood dhigaalka

Golaha Amaanka Oo Liiska Cunaqabateynta Ka Saaray Sheekh Maxamed Saciid Atam Iyo Dowladda Federaalka Oo Soo Dhaweysay

Sheeko:Dalka

AtamGolaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa liiska cunaqabateynta ka saaray Sheekh Maxamed Saciid Atam oo horay uga mid ahaa Hogaamiyaasha Al-shabaab, hase ahaatee isku soo dhiibay dowladda Federaalka isaga oo sheegay in nabadda uu qaatay.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashanaysa qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa waxa ay codsi ku aadan in cunaqabateynta laga qaado Atam u dirtay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, taasi oo ugu dambeyn la aqbalay.

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mustaf Dhuxuloow oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweysay go’aankaan uu gaaray golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad”

Sidoo kale waxa uu sheegay Mr Dhuxuloow in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay diyaar u tahay in cid walba oo kasoo baxda Al-shabaab, nabadana qaadata ay gacan ka siiso sidii caalamka loogala hadli lahaa.

“DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka, cid ku guuleysan karta ama ujeedooyinkooda ku gaari karta dagaal ma jirto, oo dagaalku waxuu dhaliyaaa dagaal, oo dagaal xal uma noqon karo caqabadaha na heysta. Waxaan rabnaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa dalkooda wax u tara oo anfaca, waxaana dooneynaa inaan dhalinyarada u abuurno fursado shaqo, waxbarasho, xirfado ay ku shaqeystaan, iyo inaan awood u siino sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo inay aayahooda ka tashadaan, Dowladdu waxey sii wadeysaa inay taageerto shaqsiyaadka nabadda qaata oo dagaalada iska daaya, waa dhici kartaa in shaqsiga ay ku adkaato, hase yeeshee cidii qiratay danbigooda waxey helayaan fursad lagula hadlo oo nabadeyntu ay ku hirgasho, haddii kale waddada aan nabada aheyn waa midda dalka ku sii siyaadineysa rabshadaha, Soomaaliya waxaa iska leh Soomaalida doorbida nabadda iyo ka qeybqaadashada dib u dhiska dalka”

Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa 7-da bishii June ee Sanadkaan ku dhawaaqay in uu ka baxay Al-shabaab, islamarkaana uu qaatay nabadda isaga oo dowladda Federaalka isku soo dhiibay.

Atam ayaa ahaa hogaamiyahii Al-shabaab ee Buuraha Gal-gala, waxaana uu hogaamiyay dagaalo badan oo lala galay ciidamada maamulka Puntland xilligii talada maamulkaasi hayay Cabdiraxmaan Faroole.

Goobjoog News