U bood dhigaalka

Golaha Amaanka oo Madaxweyane Xasan Sheekh ku Booriyay In Si Dhaqso Ah Kusoo Dhiso Xukuumad Loo Dhan Yahay

Sheeko:Dalka

golaha ammaankaGolaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cadeeyay in uu si fiican ula socdo tilaabadii Baarlamaanka Kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya tasoo horseeday xasilooni daro.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii sabtida aheyd kalsoonidii kala laabtay Ra’isul Wasaare Cabdi Wali kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha.

Bayaankan ay shalay galab soo saareen goloha amaanka waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in hogaan iyo siyaasad mideysan loo helo dalkaas ay dagaalada ragaadiyeen, waxay kaloo muujiyeen walaaca ay ka qabaan in natiijadii Baarlamaanka ay dalka u horseedo qalalaaso iyo nabad galyo xumo taas oo keeni karta in ay meesha ka baxdo hor u marka yar ee hadda laga gaaray nabadda iyo xasiloonida.

Goloha amaanka ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan dagaalada ka socda gudaha Soomaaliya iyo weeradada ka dhan ka ah ciidamada, iyagoo soo qaatay dhacdadii Baydhabo dhaawaan ka dhacday halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof, dad intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale Goloha amaanka ayaa soo dhaweeyay in si nabad ah lagu kala baxay Baarlamaanka iyo sida uu Ra’isul Wasaaraha usoo dhaweeyay natiijada cod bixintii Baarlamaanka.

Golaha amaanka ayaa hoosta ka xariiqay taageerada ay u hayaan howlaha nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyagoo ugu baaqay Baarlamaanka inay dadajiyaan howlaha horyaala sida dhameystirka dastuurka iyo sharciyadii doorashada ee dalka.

Golaha Amaanka ayaa ku booriyay Madaxweynaha Soomaaliya in si dhaqso ah kusoo magacaabo Ra’isul Wasaare iyo xukuumad ay ku wada jiraan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, iyagoo intaa ku daray taageerada buuxa ay u hayaan “Hiigsiga 2016”-ka.